dux-foosfeyt

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-tyo, m.dh)

Macnaha:

  1. (kiim.) Dux ay ku jirto koox foosfeyt oo qayb muhiim ka ah molikiyuulka. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey gilisarool ku dhegsan laba asiidh duxeed, koox foosfeyt iyo beys naytaroojiin. D.f.ku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin xuubabka unuggu.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

d

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).

Lamidka: deel

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

f

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur