eyddin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-imo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Xanuun daran oo saableyda wareema; oof. 2. Noocyada geela mid ka mid ah. 3. Meesha qodaxdu muddo nabar ka samaysan. 4. Tolliin gacmeed ka horreeya tolliinka harqaanka.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

oof

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Saableyda dadka labadeeda dhinac midkood. 2. Xanuun daran oo saableyda ku dhaca.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur