1. Cadad yaryar oo meeshi ay ku dhegganaayeen xoog iyo dhaqso uga soo fuqay, ama uga soo ganmay. 2. Ciyaar carruureed ah dhaqxaan yaryar oo faraha lagu gamayo. ld faniin¹.
1. Wax ordaya xoog uga dhicid. Tus. “Baabuurkii ayuu xoog uga finiinay”. 2. Wax meeshii ay joogeen ama ku dhegganaayeen xoog uga soo go'id ama uga soo ganmid. Tus. “Dhagax baa soo finiinay”. 3. Xoolo gaar u cararid. Tus. “Faras baa naga finiinay”. ld faniin².