faraley

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld Farammaggooggo; ld farooley.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

farammaggooggo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (c.nafl.) Bahal jaadad badan leh oo badda ku nool oo leh jir buufimo yar la moodo iyo siddeed lugood ama gacmood oo dhuudhuuban oo hoos u jeeddada ku leh goobooyin yaryar oo wax ku dhega ama nuuga. ld farammuggo, faraley (1), farabbadan¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

farooley

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. ld faraley (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur