gaallays

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo.
  2. Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

waran

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rmo, m.l)

Macnaha:

  1. Qalab lagu dagaallamo oo ka samaysan bir ballaaran oo labada dhinac af ku leh iyo caarad dhuuban, ul xooggan iyo taki.
  2. 1. Wax in la qorraxeeyo loo kala bixiyey ahaansho. 2. Badeeco iwm wax dhulka lagu fidiyey ahaansho. 3. Wax la baabi'iyey ahaansho. 4. Meel wax biyo jiifaan ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

toorrey

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-yo, m.l)

Macnaha:

  1. Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. ld toorri.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur