goljilicQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:Oogada labadeeda dhinac, halka ay ku dhammaadaan feeraha, goljilic; gol. ld gollan.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
golQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounIsrogrogga: (-lo, m.l)Macnaha:1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
gollanQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-nno, m.dh)Macnaha:ld goljilic.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0