Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Macnaha:
1. Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman. 2. Daruur cufan oo biyo sidda ama da'aysa. 3. ld gulungulceyn. ld dulundulco.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1
Isrogrogga: (-smay, -santay; -smi)
Macnaha:
1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur