gundhig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.
  2. Wax la biirinayo ama la tarminayo intooda ugu horreysa asaasid.

saldhig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.