hadiyad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

deeq

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo.
  2. 1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur