hanad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ddo/-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Nin karti iyo hufnaan dheeraad ah isku darsaday; diric.

diric

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.
  2. 1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.