hanfariir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Argaggax; didmo; sas. ld anfariir¹.
  2. Bixid, argagixid. ld anfariir².

argaggax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Naxdin iyo cabsi weyn o qofka degganaanta ka lumisa. 2. ld argaggixid.
  2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumiya la kulmid (qof).

didmo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Yaacidda xoolo, ugaar iwm. baqdin awgeed la yaacaan. ld dudmo.

sas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Naxdin kedis ah oo lala argagaxo.
  2. Naxdin kedis ah la argagaxid.

anfariir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dareen kulminaya yaab weyn iyo cabsi; argaggax. 2. ld anfariirid.
  2. Yaab weyn iyo cabsi dareemid.