hanfi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dabayl kulul.
  2. (juqr.) Dabayl kulul oo qallalan oo ka soo dhacda meelaha dulaha ah una soo dhacda xeebaha, gaar ahaan dalka koonfurta Afrika; waxaana ay dalkaas ka dhacdaa xilliga jiilaalka. Hanfigu wuxuu dhulka Soomaalida ka dhacaa xilliga xagaaga, waxaanu ka dhacaa Xeebta Badda Cas, sida Berbera iyo Jabuuti.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur