istaarj

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-jyo, m.dh)

Macnaha:

  1. (baay.) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuub kas.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

i

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida.
  2. Magacuyaal layeele oo tilmaa- maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur