kaarboohaydrayt

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-tyo, m.dh)

Macnaha:

  1. (kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisa-karaydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur