itataabo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Waxtar; tural; dhimris; jimic; gargaar; tabantaabo; ititibo.

waxtar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qiimaha isticmaal ee wax leeyihiin. 2. Nafaqada raashin laga helo. 3. W. ah: nafley waxqabad leh. 4. ld waxtarid.

dhimris

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld dhimrin.

jimic

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.

gargaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. ld gargaarsimo, gergaar.
  2. U g.: cid taakulayn. ld gergaar.

tabantaabo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld tabantaabin.