jabhad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Qof ka mid ah urur u dagaallama xurriyad iyo madaxbannaani
  2. 1. Weji. 2. Urur u halgama xurriyad iyo madaxbannaani.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

weji

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda ee u dhexeysa foodda ilaa iyo lafta garka, dhegta ilaa dhegta kale oo indhaha, sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah. ld waji.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur