jubbad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Dhar culus oo raggu qaarka sare ka gashado oo gacmo dhaa-dheer iyo jeebab leh; koor; koodh.

koor

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. ld koodh.
  2. Dawan geed laga qorey oo xoolaha qoorta loogu xiro.
  3. 1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho.

koodh

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. ld koor¹.