junuub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld jinaabo. Shahwada ka timaad qof hurda. 2. Afarta joho ee waaweyn mid ka mid ah oo u dhexeysa bari iyo galbeed, kana soo horjeeda woqooyi; koofur.
  2. ld jinaab.

koofur

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Jiha waqooyiga liddiga ku ah. ld koonfur.

jinaabo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Qubays ku waajiba qof shahwo ka timid. ld janaabo, junow¹, junub¹, junuub¹.

jinaab

Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1

Isrogrogga: (-bay, -btay)

Macnaha:

  1. Qof hurdaya shahwo sii dayn. ld junow², junub², junuub², junuun².