kabbaqable

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. K. ah: shaah, fuud iwm oo aan kululayn, si fiicanna loo kabban karo; qandac; kuljiir. ld kabbaquble.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qandac

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. Q. ah: wax kuleylkoodu yar yahay.
  2. Wax in yar kululaaday noqosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kuljiir

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iwm. ay yeeshaan;qandac. ld kuldiir¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kabbaquble

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld kabbaqable.