kalkaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Gargaar; kaalmo; taageero; waxtar.
  2. Cid taageero u fidin ama wax tarid.

gargaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. ld gargaarsimo, gergaar.
  2. U g.: cid taakulayn. ld gergaar.

kaalmo

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. Gargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.

taageero

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. ld taageerid.

waxtar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qiimaha isticmaal ee wax leeyihiin. 2. Nafaqada raashin laga helo. 3. W. ah: nafley waxqabad leh. 4. ld waxtarid.