kan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (kaman, m.l) Baruur fuusha kelyaha korkooda.
  2. (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Waa kan ninka qoray buugga”. ld ka¹.
  3. Dibkabe tilmaame oo magac dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado.

ka

Qaabnax: mu.ti.l

Isrogrogga: (kuwa, w)

Macnaha:

  1. bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).
  2. Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
  3. Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.

Lamidka: kan