ay
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Macnaha:
- 1. Meel geedo badan leh; hawd. 2. Meel cidla ah oo aan la degganayn.
- (bot.) Eray badanaa lagu isticmaalo dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay daboosho jidhi; amase, waxaa lagu isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo aan loogu talaggelin qodaal.
- (aayay, ayday) U a.: wax hore loo sameeyey waqti dambe ka faa'ideysasho.
- Magacuyaal yeele oo matala “iyada” ama “iyaga”. Tus. “Maryan Wiil ay tiqiin ayay maanta suuqa ku aragtay”, “Wiilashu guri ay degganaayeen ayay aadeen”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

