kaynroobaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jeegaan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Midabyo dhawr ah oo si is kor saar ah u safan oo qaab qaanso leh oo ku samaysma daruurta marka uu roob da'ayo; qaansaroobaad.
  2. (fiis.) Filiq-sanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kala-xaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur