jeegaan
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-nno, m.dh)
Macnaha:
- Midabyo dhawr ah oo si is kor saar ah u safan oo qaab qaanso leh oo ku samaysma daruurta marka uu roob da'ayo; qaansaroobaad.
- (fiis.) Filiq-sanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kala-xaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

