Qaabnax: mu.dhm.ly
Macnaha:
Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tus. “Cali baa isugu keen yeeray”.
1. Wax meel durugsan yaal meel dhow u soo qaadid. 2. Cid wax u dhiibid. .
ld keenna².
Qaabnax: mu.lh.l
Macnaha:
(kuweenna, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Gurigiisa keenna ayaa ka dhow”. .
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Aan aadno gurigeenna”. ld keen³.