kelli
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-iyo, m.dh)
Macnaha:
- Biyomareen yar oo beeraha lagu waraabiyo. ld keli¹ (3).
- Mid ka mid ah labada cad oo digirta qaabkeeda leh oo uurka ku jirta (lafdhabarta labadeeda dhinac) oo waxa oogadu raacdo iyo dhiigga kala soocda, oo kaadi ahaan dibadda uga soo saarta.
- (c.nafl.) Xubin muhim ah oo qashinsaarka u qaabilsan lafdhabarleyda, taas oo laga saaro walxo wasakh naytaroojiin ah (inta badan, kaadi ahaan). Naasleydu waxay leeyihiin lammaane kelya ah oo ku yaalla bucda.

