Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-iyo, m.dh)
Macnaha:
- 1. Geed yar oo leh laamo wada buruq-buruq ah oo aroorro leh oo dhirta daawada ka mid ah. 2. Oo k. ah: mid ah, aan la wehelin. 3. ld kelli¹.
- (nax.) Lidka wadarta (tus.: gabar (keli) gabdho (wadar)); eeg tiro.
- Wax aan la wehelin. ld kali.
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
- 1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
- 1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).
- Wax meel ka ba'sasho.