koolestarool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (daaw.) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

k

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

Lamidka: kaaf

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur