kuwee

Qaabnax: mu.we.w

Macnaha:

  1. eeg kee¹, tee¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kee

Qaabnax: mu.we.l

Macnaha:

  1. kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.” .
  2. Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Wiilkee baa kula hadlay?”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tee

Qaabnax: mu.we.dh

Macnaha:

  1. (kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.
  2. Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Fartee baa kula qurxoon?”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur