labeeb

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Nafley astaamihii dheddigga iyo labkaba leh. 2. Xayawaan ama geed ubaxley ah oo xubnaha taranka ee dheddigga iyo labkaba leh. ld labeebshe, labeebyo.
  2. Nafley labeeb ka yeelid.

labeebshe

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld labeeb¹. 2. (bot.) Geedgaab leh caleemo yaryar, qodxo yaryar oo toostoosan, laamo toostoosan oo cadcad iyo miro macaan oo la cuno; garoorshe.

labeebyo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld labeeb¹.