leelo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xayaabada dusha ka fuusha cuntada la kariyo. 2. Xaafoodka kor fuula biyo in badan meel ku jirey; saaruq.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

saaruq

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Laamaha iyo caleemaha dhirta badda oo hirku xeebta ku soo tufo ama biyaha dul sabbeeya.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur