lifaaqid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg lifaaq³.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

lifaaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dun yar oo cirbad dulkeed ku jirta. 2. Dokominti la dirayo warqad la raaciyo oo sii kaabaysa dulucda.
  2. (nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereyga dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa).
  3. 1. Cirbad dulkeed dun gelin. 2. Ku l.: dokominti la dirayo warqad sii raacin. 3. Maro iwm mid kale ku tolid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur