lifaaq
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-qyo, m.dh)
Macnaha:
- 1. Dun yar oo cirbad dulkeed ku jirta. 2. Dokominti la dirayo warqad la raaciyo oo sii kaabaysa dulucda.
- (nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereyga dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa).
- 1. Cirbad dulkeed dun gelin. 2. Ku l.: dokominti la dirayo warqad sii raacin. 3. Maro iwm mid kale ku tolid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

