ligane
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-nayaal, m.l/dh)
Macnaha:
- 1. Guud ahaan waa qotome ama sammeeya xaglo qumman. 2. Xarriiq ama sallax ku qotonka xarriiq ama sallax kale.
- (xis.) Xarriiq ama sallax waxaa la yiraahdaa waxa ay ligane u tahay xood haddii ay ku qotonto taabtaha xoodka halka barta ay xarriiqda iyo xoodku ku kulmaan. Tusaale ahaan, gacanka goobo wuxuu ku liganyahay meeriskaa goobo.

