xariq ku ligan sallax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qo ..., m.l)

Macnaha:

  1. eeg ligane.

ligane

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Guud ahaan waa qotome ama sammeeya xaglo qumman. 2. Xarriiq ama sallax ku qotonka xarriiq ama sallax kale.
  2. (xis.) Xarriiq ama sallax waxaa la yiraahdaa waxa ay ligane u tahay xood haddii ay ku qotonto taabtaha xoodka halka barta ay xarriiqda iyo xoodku ku kulmaan. Tusaale ahaan, gacanka goobo wuxuu ku liganyahay meeriskaa goobo.