lullume

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Kalluun aad u yaryar oo biyaha macaan ku nool. 2. Cayayaan yaryar oo biyaha macaan ka dhasha; miraxareedeed. ld lullumo.
  2. (c.nafl.) Heerka caydiga ee raha. Wuxuu leeyahay dabo dheer iyo waafyo. Lulumadu heerka caydiga oo dhan waxay ku nooshahay biyaha. Lugaha dambe ayaa ka hor kora lugaha hore, aakhirkana dabada ayaa ka go'da inta aanu noqon rah qaangaadh ah.

lullumo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. ld lullume¹.