malaa'ig

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Saddexda uun ee caanka ah, kan aan ahayn insiga iyo jinka oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray. 2. Heer ka mid ah koritaanka xasharaadka qaarkood oo u dhexeeya heerka diirdiirrada, lullumada iwm iyo heerka ugu dambeeyo ee ay gaaraan. 3. eeg malag¹.

malag

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-laa'ig, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Mid ka mid ah uunka, oo laga abuuray nuur iyo iftiin. 2. Malag loo soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado. 3. Dhimasho; wed. ld meleg¹.
  2. 1. Nafley, nafta ka qaadid. 2. Nafley dhimashadeeda sabab u noqosho. ld meleg².