Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
1. (dii.) Malag Eebbe u soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado; malag. 2. Wed; dhimasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-laa'ig, m.dh)
Macnaha:
1. Mid ka mid ah uunka, oo laga abuuray nuur iyo iftiin. 2. Malag loo soo diro nafleyda in uu nafta ka qaado. 3. Dhimasho; wed. ld meleg¹.
1. Nafley, nafta ka qaadid. 2. Nafley dhimashadeeda sabab u noqosho. ld meleg².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur