Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
1. (-nno, m.dh) Meel la yaqaan oo sheekh caan ah lagu xuso. 2. ld mekhaan. Darajo. 3. ld mekhaan. Sharaf; maamuus; qaymo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo.
1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur