maqaddin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Madax; hoggaamiye.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

madax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-xyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Oogada qaybta sare ee nafleyda. 2. Maskax, laab, caqli. 3. Baab. 4. Koox, qayb. 5. Dhool (roob); garab; saylaan. 6. Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale.
  2. Qof meel ama dad u sarreeya; duq waayeel.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hoggaamiye

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. ld hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur