madax
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-xyo, m.dh)
Macnaha:
- 1. Oogada qaybta sare ee nafleyda. 2. Maskax, laab, caqli. 3. Baab. 4. Koox, qayb. 5. Dhool (roob); garab; saylaan. 6. Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale.
- Qof meel ama dad u sarreeya; duq waayeel.

