midabtakoor

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta intà gun iyo gob ka kala dhigta. 2. (siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq¹.
  2. Cid midabkeeda ku faquuqid. ld midabfaquuq².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

midabfaquuq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Yasidda iyo qiimadilka, qof lagu sameeyo midabkiisa awgiis. ld midabtakoor¹.
  2. Cid midabkeeda ku takoorid. ld midabtakoor².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur