muluq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lqo, m.l/muluq, m.dh)

Macnaha:

  1. Ilmo da'diisu ka yartahay (6) lix bilood; murjuc.
  2. 1. Qof qaawan; murduq. 2. Qof wixii uu lahaa ama haystay laga wada qaaday.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

murjuc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Ilmo yar oo markaas dhashay; muluq. ld murjuq, murjux.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur