neeuroosis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (c.naf.) Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.

naf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-fo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. ld ruux. Waxa nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. N. ah: wax dhimasho u dhow. 3. N. ma leh: qiimo ama waxtar yari.