oroob
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- Socdaal dheer oo herinta meel fog u ugaarsi tageyso, iyadoo awr raranaysa sahayna qaadanaysa, oo maqnaanaysa bil ama laba.
- Socdaal dheer oo ay dumarku meel fog ugu caws doontaan iyagoo badan, qaatana awr iyo sahay, kuna qaadata muddo aan ka yareyn bil.

