qaansarroobaad
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-dyo, m.dh)
Macnaha:
- Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
- (fiis.) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.

