qabsin-ood

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. ld qabsin-oodane.

kolon

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-lmo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Labo cad oo yaryar oo dhuudhuuban oo cunaha ariga qaarkiis ka baxa midkood. 2. Buro jirka meel ka mid ah ka soo baxda oo laallaadda. 3. (w) eeg kolmo.

qabsin-oodane

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld qabsin-ood.