qaflad

Qaabnax: Magac, Dheddig, Falkaab | Noun, Feminine, Adverb

Macnaha:

  1. Kedo; lamafilaan.
  2. Xirmidda ciyaar dubnadeed labada dhinac ka xiranto iyada oo dhagax kale aan la gelin karin. ld qaflo¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kedo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Wax si degdeg iyo lamafilaan ah ku dhaca; aan la iska jirin; lamafilaan. 2. (fk) Si kedis ah; islamarkiiba.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

lamafilaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. L. ah: wax si kedis ah ku dhaca ama ku yimaad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaflo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld qaflad².
  2. Ciyaar dubno labada dhinac ka xirasho iyada oo aan dhagax kale la gelin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur