qalfoon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Wax gudo leh oo dubkii sare oo muuqda mooyaane aanay hoosta waxba kaga jirin. 2. ld qamboob 3. Geed faalala oo miro kulkulucsan leh oo arigu aad u jecelyahay kana mid ah geedaha wax lagu daaweeyo. 4. Qaybta sare ee lafta madaxa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qamboob

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (qamboob, m.dh) Geed yar oo dhulka ku faalala bixiya miro kulkulucsan oo gas leh oo inta la dubo la cuno. ld qalfoon (2).
  2. Miro cagaaran oo dusha ku leh qodaxyo oo inta la dubo la cuno.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur