qarqarsiinyo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld qarqarsi¹, qarqarsiyid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qarqarsi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Qaab loo xiro awrka iyadoo jeenigiisa iyo luquntiisa la iskula xiraayo xarig si uusan u kicin inta la raraayo. ld qarqarsiinyo.
  2. 1. Awr la rarayo jeenigiisa iyo luquntiisa xarig iskula xirid si uusan u kicin inta la rarayo. 2. Ku q.: cid wax ku khasbid. ld qarqarsii.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qarqarsiyid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg qarqarsi². ld qarqarsiin, qarqarsiinyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur